MUJAHID MAXAMED MOOGE LIIBAAN HISTORY
Mujahid Maxamed Mooge Liibaan ilaahay naxariistii jano ha ka warraabiyo isaga iyo intii naftooda uhurtay xornimada umadda Soomaaliyeed (aamiin).Maxamed Mooge waxa uu ku dhashay magaalada Hargeisa ee waqooyiga soomaaliya maantana ah caasimada jamhuuriyada Somaliland sanadku markuu ahaa 1945kii.
Taariikhda marxuum Maxamed Mooge Libaan halkan kuma soo koobi karno laakiin in yar oo hordhac ah ayaynu halkan ku xusi doonaa.Yaraantiisiii wuxuu bartay quraanka iyo diinta.Wax barashadiisii hoosena waxa uu ka bilaabay dugsiyada markaa ka jiray magaalada Hargeisa ka dib wuxuu waxbarasho dheeraad ah udoontay dalka Sudan iyo England. Maxamed Mooge waxa uu shaqadiisii ugu horraysay ka bilaabay macallinimo dugsiyadii ay ka mid ahaayeen biyodhacay oo uu markaa ka dhigi jiray xisaabta.
Halkan kagama sheekayn karno taariikhda dalka Soomaaliya soo martay illaa iyo intii aynu xornimada ka qaadanay gumaystihii isticmaarka ahaa ee dalkaeena qaybiyay si kastaba ha ahaatee umadda Soomaaliyeed iyadoo is jecel oo is ogol ayay dawlad sameysatay iyo calan. Sanadku markuu ahaa 1969 ayuu Maxamed Siyaad Barre xoog ku qabsaday dalka isagoo kaligii taliye ah dhibaatooyin foolxun ayuu galiyay dalka oo ay ka mid ahayd dagaalkii 1977 ee uu ku duulay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia halkaas oo ay aad ugu jabeen ciidamadii xooga dalka ee Soomaaliyeed kadib markii dagaalka laga soo laabtay Siyaad Barre wuxuu bilaabay inuu dilo ama xidho dhomaan saraakiishii hogaaminayay dagaalka aynu ku khasaarnay.
Mujaahid Maxamed Mooge waxa uu kamid ahaa aqoonyahanadii ugu horreeyay ee arkay taliska macangaga ah ee xukuumadii Siyaad Barre, wuxuu ahaa halyay Soomaaliyeed oo naftiisa uhuray sidii uu uga hortagi lahaa askarigan jaahilka ah marar badana ay xidhay dawlad ku sheegtii markaa talinaysay. Mujaahid Maxamed Mooge waxa uu si toosa ucaddaystay inaanu marna ka indho qarsan doonin wadada qaldan ee uu kacaanku dalka ku hogaaminayo ka dib waxa uu go'aan ku goostay inuu wadankiisii hooyo uga tago kaligii taliyaha dhiigya cabka ah waxaaanu u tallaabay dalka Ethiopia. Bilawgii 1980 tanadii waxa aasaasmay xisbigii ugu xorreeyey ee mucaarad ku noqda dawlada milatarigu hor ka cayo ee dadkeedii xasuuqaysa jabhaddaas oo la odhan jiray (SSDF) ayuu ku biiray mujaahidka aynu maanta halkan ku xusayno.waxa uu is ku dayay inuu umadda Soomaaliyeed tuso oo ay iska qabtaan boqorka jaahilka ah kadibna waxa la aasaasay jabhadii SNM oo uu ka mid noqday tiirarka ay ku dhisnayd illaa intii ay dalka soo galeen sanadkii 1988kii. Ujeedada ugu wayn ee aanu u xusnay Mujaahid Maxamed Mooge waxa weeeye inaan dadwaynaha Soomaalidu illaabin dhamaan dadkii ku naf waayay masiibadii uu masuuliyadeeda lahaa Siyaad Barre taasoo wada saamaysay dalka Soomaaliya illaa maantana faaidadeedii aynu hayno.
Maxamed Mooge waxa lagu xusuustaa heestiisii caanka ahayd ee "waxaan ahay waadiga dugsiyada" isagoo kana mid noqday kooxdii Iftiin ee wasaaradda waxbarashada, aadna u baraarajin jiray ardayda soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.Waxa uu ahaa nin bulshaawiya oo beel daajiye ah aadna loo jecel yahay wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan.
Maxamed Mooge fankiisu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mudan fanka loo yaqan ”Fadhiga”wuxuu lahaa cod lab oo legddan oo hannaan farshaxanimo ku dheehan tahay iyo luuq aan carjabin oo dheguhu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhegeysato. waxa uu ahaa bulshawi, qalbaawi ah ,aad iyo aad ayuu naftiisa ugu han-waynaa. Fanka Maxamed ma duqoobi doono inta dad nool yahay.
Maxamed Mooge wuxuu la dhashay fanaankii kale ee caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan ilaahay ha u naxariistee. 25 sano ayaa laga joogaa 5/6/1984 isagoo halganka ku jira in lagu dilay jidgooyo halkaasna ay ku shahiideen Isaga iyo mujaahidiin kale raggii maallintaa lasha hiiday waxay tiradoodu dhamayd 12 iyo ruux dumar ah.
Marxuumka ilaahay ha u naxariistee taarikhda uu ku lahaa bulshada afka soomaaliga ah ku hadasha maaha mid aan halkan ku koobi karo qof walibana in ayuu ka haystaa hase yeeshee waxa loo baahan yahay in la xuso isaga iyo dhamaan mujaahidiintii kale ee taariikhda meel ka gashay.
TAARIIKHDAN KOOBAN WAXA QORAY MR ABDULKARIM SHEIKH OMER HUSSEIN.
http://maxamedmooge.blogspot.com/
|